SHEEKH ABBA “Taariikhda Xamar Weyne Waxay jirtay 255 Sano Nebi Ciise (CS) ka hor”

استعرض الموضوع السابق استعرض الموضوع التالي اذهب الى الأسفل

SHEEKH ABBA “Taariikhda Xamar Weyne Waxay jirtay 255 Sano Nebi Ciise (CS) ka hor”

مُساهمة من طرف ابن عباس القادري في الثلاثاء أكتوبر 07, 2008 9:11 am








SHEEKH ABBA “Taariikhda Xamar Weyne Waxay jirtay 255 Sano Nebi Ciise (CS) ka hor”



Sheekh Max’ed Axmed Sh. Max’uud (Sheekh Abba) oo ka mid ah Culumada waaweyn ee Soomaaliyeed xubina ka kala ah Guddiga Dib u heshiisiinta iyo hanti isu celinta Qaranka iyo Golaha Sare ee Ehlu Suna wal Jameeca ayaa waxaa shalay hoygiisa ku booqday weriyaha home-page-kan ee Muqdisho wuxuuna Sheekh Abba la yeeshay Wareysi dhinacya badan taabanayay.
Sheekh Abba ayaa sheegay in X/Weyne ay ka soo jeedo Xamar, Shangaani, X/Jajab iyo Xamar Xeyfi ilaa Kaaraan, goobo ka mid ah markii dambena uu Talyaanigu u bixiyey Ooto Guruubo, Bootiko iyo magacyo kale oo loo bixiyey sida Hogta, Xamar Yare IWM, magaca Muqdisho waxaa uu baxay intii ka dambeysay dhalashada Nebigeena Suuban ee Muxammed (NNKH), magacyada kale ee la oran jirayna waxaa ka mid ah Ximiyar, waxaana asaasay magacaas nin la oran jiray Kuraad Bini Ascad Al-Xamiid oo asalka Xamarna halkaas ayuu ka soo jeedaa, wuxuuna ninkaasi ahaa nin Carab ah oo waqtigaas dhalashdii Nebi Ciise (CS) 255 sano ka hor yimid Xamar, ninkaas iyo nimankii kale oo yimidna waxay la kulmeen ama heleen meel la oran jiray Caato Waad ayna u bixiyeen Madiinatul Kheyriya, magaca Afrikada barina Kheyriya ayuu ka soo jeedaa, waayo waxay heleen sahmiyayaashaasi dhul waasac ah, biyo iyo geedo badan leh, Magaca Muqdishana waxaa bixiyey nin la oran jiray Cumar Bini Maxamed Al-Calawaan Ashaah oo ahaa wakiilkii Cabaasiyiinta iyo Umaawiyiinta waagaasna magaalada aad uma dhisneyn inta badanna markaas kaddib ayaa la geed qaaday, waxaana sidoo kale yimid waqtiyo kala duwan niman badan oo sahmiyayaal sida Xalwaan Shiraasi oo ah ninkii dhisay Masjid Jaamaca Xamar Weyne, waxaa kaloo ka mid ahaa 5 nin oo ka kala socday Shan Qabiil loona baxshay Qamsatul Makhdasiya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Jidcata, Al-Haaya, Jidcatul Meymuuna, Qudbatul Caamir, Ismaaciil Xadnaan kuwaas oo maanta faracoodii ay joogaan kuwo ka mid ahina Muqdisho ama Xamar ayey degenaayeen, waxayna ka sameeyeen dhismayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin Guryo dhulka ka hooseeye ilaa Afar Afar Mitir, Mesjidyo ayaa jira ay dhiseen iyo Ceelal la qoday waqtigaas, sida Ceel Waana, Ceel Dhiilwaa, Muqdishana waxaa laga wadaa meeshii Maaligu ama Madaxu fadhiyey.
Goorma ayey Diinta Islaamku soo gaartay Muqdisho? Ayaan weydiinay Shiikhu uuna kaga jawaabay.
Waxay soo gaartay sannadkii 7-aad ee Nebinimada ka hore ka hor intii aanay Nebiga iyo Asxaabtiisa u bixin Madiina, Hijriyada ka hor, asxaabtii diinta soo gaarsiiyey Xamarna markii hore waxay ku yimaadeen dhinaca Badda markii dambena, waxay kaga yimaadaan dhinaca Arlu Xabasha ama Awdalle oo soomaalidu u takhaano Awdal, taas oo ay tusaale u tahay in 4 Asxaabi ay haatan ku duugan yihiin magaalada Muqdisho.
Sida uu caddeeyey Sheekh Abba 2 ka mid ahi waxay ku duugan yihiin Mesjidka Sheekh C/qaadir dhinaciisa Yuusuf Cigaal taasoo uu sheegay in uu u caddeeyey Awoowgiis Allaha u naxariistee Sheekh Yuusuf Cismaan Sheekh Suufi, labada kalena ay ku duugan yihiin meesha laga dhisay Warshadda Habka cusub ee Ceelgaab, haddii meelahaas hadda la qodana waa laga helayaa ayuu yiri Qabuuraa Asxaabtaas.
Sheekh Abba waxaan kale oo aan weydiinay inta maamul ee ay soo martay magaalada Muqdisho, wuxuuna kaga jawaabay.
Intaan ogahay laba qeybood weeye, oo kala ah waqtigii Seyid Barkhash uu maamulayey, waana qoran yihiin, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen maamuladii Xalwaan iyo Sowsaan oo xaruntiisii ay ka muuqato dhismaheedii, kuwaas oo ka kala socday maamuladii Cabaasiyiinta ayna sidoo kale ka mid ahaayeen dadkii Muqdisho xukumay Shiiraas Bini Cabaas Lacagtoodii oo Dahab ah ayuu caddeeyey Sheekhu in haatan laga heli karo Muqdisho iyo waqtigii ka dambeeyey Maamuladii Seyid Barkhash wuxuuna caddeeyey in Boortaqiisku aanu xukumin maamulkiisana ka hir gelin Muqdisho, Talyaaniguna wuxuu dalka ku soo galay heshiis Ijaar ah oo uu la galay Seyid Barkhash oo markaa xukumayey magaalooyin badan oo ay ka mid tahay Muqdisho.
Sheekha oo ka hadlayey qaabkii uu dalka ku soo galay maamulkii Sayid Barkhash wuxuu sheegay in markii ay bateen dulamadii iyo isku awood sheegashadii maadaama ayaanay dowladi jirin inta badanna geedaha hoostooda dacwada lagu qaadayey ay Odayaashii Reer Xamar codsi u qorteen maamulkii Cabaasiyiinta sidaa darteedna wakiilkoodii Sansibaar oo ahaa Sayid Barkhash ay u xilsaareen hirgelinta codsiga Odayaashaas, waxaana warqadaa loo dhiibay nin la oran jiray Sheekh Aadan oo Reer Xamar ahaa.
Marka laga reebo Reer Xamarka Soomaalida kale sidey u soo kala galeen Xamar, yaase ugu soo horeeyey?
Wuxuuna kaga Jawaabay Sheekhu waa qoran tahay taariikhda ay qolo kastaahi soo gashay dadka, Soomaalida kale ugu soo horeeyeyna waxaa ka mid ahaa Reer Mataan Abgaal, gaar ahaan Yacquub, oo haatan degaan ahaan ku milmeen Shangaani, xiriir weyna la lahaa Reer Xamarka, Abgaalkuna waxay ka mid yihiin beelaha xiriirka walaalnimo iyo iskaashi la leh, sidoo kalena bannaanka Xamar meesha loo yaqaan Gubta waxaa iyaguna degenaa Is-Xijwaq oo Yacquub iyo isaga ay wada socdeen, Muuse Abkood, Habar Ceyno kuwo la yiraahdo Hilabi Max’ed,oo kawada tirsan (Murusde)Abkowyaashoodii, guud ahaanna waxaa la isku kaanya oran jiray Xamar iyo Xamar Daye waxaana naga dhexeeyey Iskaashi iyo wada noolaansho, magaalada Xamarna waxay lahayd 5 Irdood oo laga soo galo ama laga baxo oo ay waardiyeen jireen min 10 Ciidan ah oo Reer Xamar ah heystayna qoryo ay Buntukh ka mid tahay si magaalada nabadgelyadeeda loo sugana, magaalada gudaheeda habeenkii kuma hoyan jirin Xamar Dayahu haddii aanu damiinan mas’uul odayaasha Reer Xamarka ka tirsan.
Kaalin intee la eg ayaa Reer Xamarku ka qaateen dagaaladii lagu xoreeyey Xamar amaba lagula dagaalamay Gaaladii dalka ku soo duushay?
Sheekh Abba mar kale Reer Xamarku dagaalkii Talyaaniga si toos ah ugama qeyb qaadan waayo, hub u dhigma madaafiicdii Talyaanigu heysteen ma heysan, laakiin waxaa jiray dagaal xagga qalbiga ah iyo diintab ah, waxaana arrintaas soo jeediyey ayuu yiri Sheekhu nin ka mid ah Abayaasheena oo la oran jiray Fiqi Yuusuf qabayna in marka gaalada si toos ah loola dagaalamayo la heysto hub u dhigma ama u dhow midkey heystaan gaaladu, balse Reer Xamarku waxay si aad ah ula dagaalameen uguna banbaxeen ka qeyb qaadashada dagaalkii Xabashida markii ay soo gaartay deegaanka Balcad, taas oo ishaaro iyo bishaareyn ay ku bixiyeen Culumadii Reer Xamarku, sidoo kalena Reer Xamarku waxay kaalin weyn ka qaateen halgankii xoriyadoonkii SYL oo ay ku lahaayeen ilaa 6 Xubnood oo muhiim ah, wuxuuna halgankii Talyaaniga lala galay ku ammaanay kaalintii ay ka geysteen Biimaalka, Wacadaanka gaar ahaan deegaano ka tirsan Sh/Hoose.
Sheekh Abba oo ka jawaabayey Su’aal ahayd Maadaama Reer Xamarku ay ka mid ahaayeen Soomaalida dadka ugu ganacsiga iyo xaddaaradda fiicnaa in dhibka ku dhacay dhaqaalahoodii iyo deegaankoodii sida gaarka ah ugu badnaayeen in loo aanay karo kaddib markii ay ka leexdeen amaawiirtii Islaamka fareysay ee ahayd u naxariisashada Ummadda kale sida sadaqada, ayuu kaga jawabay Arrintaas waa mid lagu ceebeynayo Reer Xamarka, Reer Xamarkuna ilaa Soomaali-galbeed kaalin weyn ayey ku lahaayeen waxbarida, fidinta Diinta Islaamka iyo taakuleynta dadka Soomaaliyeed, waxaana suurta gal ahayd in nin kastoo Reer Xamar ah ay ku jilnaayeen ama la joogeen 5 ama 4 Xer ah, Aafada ku dhacday Xamar Weynene waa cuqubo guud oo ay ula siman yihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Reer Xamarkuna waxay ahaayeen, dad shaqeysta, Farsamada iyo ganacsigana ku horeeyey dadka kalena taakuleynta kasakow shaqo siin jiray, Marka laga hadlayo dagaalada sokeeyana waxaa uu sheegay Sheekhu in Culumada iyo Odayaasha Reer Xamar ay istaageen mowqif aad u qeymo badan oo ah in aanay sida beelaha kale hub aruursan iyagoo gadan karay ayna diidanaayeen in arrintaas ay colaad iyo kala fogaansho kala kulmi karayeen Alle mahadiina ay tahay in Reer Xamarku ay ka mid yihiin waqtigaan beelaha Soomaaliyeed ee aan beel kale ee Soomaaliyeed wax colaad ah u heyn in badanna ka qeyb qaatay nabadeynta beelo kale ee Soomaaliyeed.
Sheekh Max’ed Axmed Sheekh Max’uud (Sheekh Abba) oo ka jawaabayey Su’aal ahayd rajada uu ka qabo shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan loo maleynayo in Soomaalida loogu qabto magaalada Nairobi ayaa sheegay in arrintaasi ay qeyb tahay waxa ka soo bixi doono, balse uu Alle ka baryayo in uu ka dhigo mid lagu guuleysto natiijo wax ku ool ahina ka soo baxdo, Soomaalidana ay isku tanaashusho, dhanka kalena isagoo sheekhu ka jawaabayey sida uu u arko furitaanka Dekedda iyo Airborka iyo dagaalada laga yaabo in ay ka dhashaan ayuu yiri, ma qabo in wax kasta oo dagaal keenaya lagu dhaqaaqo, bale ay ila habeen tahay in laga fogaado waayo haddii dagaal dhaco Markab ma soo xiranayo sidii horayba aan u aragnay, balse ay ila haboon tahay in dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed loo tanaasulo, loona furo goobaha muhiimka ah sida Dekedda iyo Garoonka Diyaaraha loo furo macaawino looga soo dejiyo isbedelna uu ugu yimaado maciishadda Cirka isku shareertay, wuxuuna codsaday in arrinta laga dhigo mid isku tanaasul iyo walaalnimo ii cun iyo ii cun, wuxuuna Sheekh Abba ka codsaday guud ahaan inta wax heysata ee Soomaali iyo samafalayaal caalamiba in loo gargaaro kaalmana loo fidiyo dadka qaxootiga ah ee ku bara kacay meelo badan oo dalka ka tirsan una baahan wax kasta oo uu u baahan yahay qof kasta sida duuntu qabtana waxaa qofka Muslimka ah laga rabaa ayuu yiri Sheekhu in waxa naftiisa uu la rabo uu la raboodo kan walaalkiisa ah.

Ugu danbeyntii Sheekh Max’ed Axmed Sheekh Max’uud (Abba) oo u muuqday in Sheekhnimada kasakow uu aad ugu xeel dheer yahay taariikhda soo jireeneed ee Soomaaliya qoraal iyo niyadna uu ku xafidsan yahay inteeda badan ayaa sheegay in meel aanay dowladi ka jirin sida uu xadiistu ku qabto ay la mid tahay ama ka daran tahay meel Daacuun ku habsaday oo kale sidaa darteed dowlad kasta oo timaada hadaan lala shaqeyn dhinac kastana laga kaalmeyn aanay waxba qaban karin.
Waxaa wareystay C/shakuur Cilmi Xasan

http://www.somaliroots.com/SHEEKH%20ABBA.dwt?NewsID=907

ابن عباس القادري
مدير

عدد الرسائل : 176
العمر : 39
تاريخ التسجيل : 04/07/2008

معاينة صفحة البيانات الشخصي للعضو http://al7ewar.net/forum

الرجوع الى أعلى الصفحة اذهب الى الأسفل

استعرض الموضوع السابق استعرض الموضوع التالي الرجوع الى أعلى الصفحة

- مواضيع مماثلة

 
صلاحيات هذا المنتدى:
لاتستطيع الرد على المواضيع في هذا المنتدى