XIRIIRKA MUSLIMIINTII SAYLACIYO NASAARADII XABASHADA

استعرض الموضوع السابق استعرض الموضوع التالي اذهب الى الأسفل

XIRIIRKA MUSLIMIINTII SAYLACIYO NASAARADII XABASHADA

مُساهمة من طرف ابن عباس القادري في الإثنين أكتوبر 06, 2008 4:27 am



Xiriirkii siyaasiga ahaa ee dhexyiil

Muslimiintii Saylac iyo Nasaaradii Xabashida

Qarniyadii dhexe

1250-1543M



- Qaybta Koowaad -





Qof xog moog in aad tahay iyo xogtii jirtay in lagaa qarsaday, waa isku mid oo labada goorba qof aan wax ogayn oo xog moog ayaad tahay!. Waliba xaaladda hore, haba yaraatee, wax uun canaan ah waa laga soo jeedin karaa, midda dambase, adiga xogta laga qarsaday in la canaanto meesha ma le-eka. Balse, canaan culus iyo dambi cafin aan lahayn waxaa dusha laguu saari karaa markaad; qaddar xogtii lagaa qarsaday ah ay ku soo gaadho, oo lagaa waayo dareen kugu dhaliya, xog kororsi ama xuuraan oo, aad isku waydiiso; “horta, sidee, wax u dhaceen ?!, xaaladda taagan maanta, maxaa ka horreeyay?”. Xiriirkii siyaasiga ah ee soomaali iyo xabashi dhexyiil, heer caynkee ah ayuu soo maray, maanta wixii ka horreeyay?!”. Duruufaha duwaliga ah, shalay iyo maanta, saamayn jaadkee ah ayay lahaayeen?.

Haddaba, iyada oo dad badan oo soomaali ah ay ila wadaagan iswaydiinta ah; duullaanka xabashi maanta soomaaliya ku soo ekaysay; xididadiisu halkee ku siman yihiin?. Immisa qarni ayay soo jiitantay?. Tilmaan caynkee aha ayuu dulanku shalay lahaa, maantase lee yahay?. Mar walba, xabashi ma la soo garabgalay, mise waa kaligeed?. Ujeedada qarsoon, yoolkeedu waa halkee?, iyo kuwee ahaa yeen Boqortooyooyinkii iyo Saldanadihii Islaamiga ahaa oo la burburiyay, dalkoodina la isku ballaariyay?.



Waxaan qirayaa, aniga oo ka xun,; in aysan sheekada aan ku sheekaysanno marra dhaafin; “waa baan Amxaaro hilbo ceeriin in ay cunto badnay iyo Axmad Gurey ayaa xabashi buurta saaray”. Si daraadeed; marra, muran wuxuusan ka taagnayn; ruuxa wixii soomaali iyo xabashi (todaba Qarni iyo Qarni barki, 750 sano ku dhawaad) ka dhex dhacay, warkeed aan qabin, maanta in ay ku adagtahay, garashada waxa xabashi Muqdishow u joogto, oo gobol kasta oo soomaaliya ka mid ah ay u taagantahay. Maskaxdii xogtaa oo, aan wax yar ka iftiimin doona ka maran, la yaab ma laha; “diiday iyo maya” haddii laga waayo oo, dhankii la rabo loo rogrogto.

Runtii “Caano qubtay dabadoodaa la qabtaa”; haddaad rumaysantahay oo aad go’aansato; heerka fahamkaga dhulballaarsiga xabashida in aad kordhiso; waxaad akhrisaa ugu yaraan saddex kitaab oo, mowduuca ka hadlay. Mid waa asalkii, labana waa isagii oo faahfaahsan iyo isla asagii oo kooban:

Midka Koowaad: waa kan asalka ehe waa; “Tuxfat Alzamaan” oo loo yaqaan (FUTUUX ALXABASHA – Furashadii Xabashida-) oo uu qoray “Carab Faqiih” oo dagaalladii; Imaam Axmad Guray (Allaha u naxariistee) xabashi Buurta ku saaray oo idil arkay. Buugga asalkiisu afcarabi ayuu ku qoranyahay. Hadda waxaa loo rugay afsoomaali. Nqulkaaga (Cope-gaaga) in aad soo furato (soo gadato) waa talo habboon oo wax badan oo aad moogtahay aad ku ogaan.



Midka Labaad: waa (ALCILAAQAAT ALSIYAASIYA BAYNA MUSLIMII SAYLAC WA NASAARAA ALXABASHA FIL QURUUN ALWUSDHAA) Xiriirkii siyaasiga ahaa ee dhexyiil Muslimiintii Saylac iyo Nasaaradii Xabashida Qarniyadii dhexe oo soo baxay 1985tii. Afcarabi ayuu ku soo baxay.

Midka saddexaad: waa (INNAGA IYO XABASHI) Taariikhda Dahsoon Ee Soomaaliya Iyo Xabashi. Waxaa qoray Maxamed Axmed Al-caamirio 1999kii. Afsoomaali ayuu ku soo baxay.

Saddexdaa Kitaab; waxay mudanyihii in ay ka mid noqdaan kutubta laga mariyo goobaha cilmiga laga raacdo sida; Masaajidda oo laga akhriyo Kitubta “Siyarka iyo Futuuxaadka”,Islaamiga ah. sidoo kale, muxaadarooyinka. Maanta, wacyi galinta qofka soomaaliga ah waxay ka mid tahay baahiyada taagan!.



Kitaabka labaad oo uu qoray Dr. Maxamed Cabdulxaliim Rajab, labada kitaab oo kale aad iyo aad ayuu uga afdheer yahay waana baritaan iyo diraasad Jaamacadda Qaahira.“Geeska Afrika” ka samaysa oo uu diyaariyay; Dr.Rajab. Haddaba, waxaan waajib iyo wax qumman u arkay; qaddar ararta kitaabka ah iyo gunaanadka oo idil in aan akhristaha, gaar ahaan, inta aan sheekadu u bilownayn uga dhigo; maskax kaakicin (Brain storming) iyo dareen baraarujin, aan isleeyahay; “waa intaa oo ay u ficiloodaan diintooda, dadkooda iyo dalkooda, markaana la isla qaato kacdoonka dalka ka socda. Waxaan ku fakaray ugu yaraan; akhristaha ha isugu xirmaan dhacdooyinka shalay iyo kuwa maanta. Xaqiiqo, waxaa ah ujeeddo la’ aan cidina inaysan u duulin. Dawlad masiixi ah, oo dawlad muslim ah; in ay dumiso mooyee!, dhis oo cagaheeda ha isku taagto, dadkeedana Masaajid waawayn ha u dhisto ku hawlan, hore looma arag, haddana la arki ma doono!.



Gabagabada, waxaan ku soo bandhigi doonaa iswaydiimo maskaxdayda ku soo dhacay intaan qoraalka diyaarinayay, khariidado (Maps) dhawr ah oo muwduuca la xiriira iyo masawir soomaaliya shalay iyo maanta tilmaan u ah.



Dr.Cabdulxaliim Maxamed Rajab; ararta kitaabka wuxuu ku bilaabay:

(Lagama maarmaan waxaa ahayd in kitaabkan (ALCILAAQAAT ALSIYAASIYA BAYNA MUSLIMII SAYLAC WA NASAARAA ALXABASHA FIL QURUUN ALWUSDHAA) uu u soo baxo dadka, maxaa yeelay; waxaa laga yaabaa in dad badan oo hadda xog moog in ay arkaan taariikh run ah iyo dhabta xiriirkii ka dhexeeyay xabashadii nasaarada ahayd iyo boqorradii Saylac[1] oo muslimka ahaa oo wada dagganaa “GEESKA AFRIKA”. Waxaa dhacday rag taariikhda baara; in ay xiriirkaa u sawireen si runta aad uga fog. Qaar waxay u sawireen; dagaal laba shacab oo daris ah dhex-maray, mana aysan xusin waxyaabihii dhabta ah oo dagaaladaa dhaliyay. Qaar kale, waa ka warwareegeen xusidda loolankii dhacay iyo raadkii uu ka tagayba. Halka qaar kale, arrinka oo dhan u sawireen; shacab boqoradoodi ku caasiyay oo la edbinayo ama boqorradii xabashida oo boqorro iyo salaadiin muslim ah dadwayne ku kacay ka aamusinaya, dawladnimadana u ilaalinaya!!).



Haddaba; silsiladdu (shalay iyo maanta) si ay isugu kaa xiranto, wax uunna aad ka ogaato; xididdada duulaanka xabashida; waxaad dhug u yeelataa sadarada soo socda, dabadeed; waxaad raadsataa cid aad ka kororsato ama meel kale aad ka sii akhrisato.

Qoraagu kitaabkiisi sidatan aan soo koobay; ayuu ugu soo bandhigay sagaalkii Imaaradood oo Islaamiga ahaa oo “Geeska Afrika” ka dhisnaa qarniyadii dhexe:



ابن عباس القادري
مدير

عدد الرسائل : 176
العمر : 39
تاريخ التسجيل : 04/07/2008

معاينة صفحة البيانات الشخصي للعضو http://al7ewar.net/forum

الرجوع الى أعلى الصفحة اذهب الى الأسفل

رد: XIRIIRKA MUSLIMIINTII SAYLACIYO NASAARADII XABASHADA

مُساهمة من طرف ابن عباس القادري في الإثنين أكتوبر 06, 2008 4:36 am


1.SALDANADDII AWFAT: Saldanadda, waxaa loogu magacdaray caasimaddeedi oo ahayd Awfat, waxay ka mid ahayd magaalooyinka ugu wayn “Geeska Afrika”. Irridda laga galo Badda Cas ayay ka saarrayd koofur Galbeed waxayna ahay barta isku xirta Boqorrodii Islaamka oo Saylac iyo Masar, Xijaas iyo Yaman.



2.SALDANADDII CADAL: Cadal teeriyo 805H/1402M waxay ka tirsanayd saldanaddii Awfat, hase ahaatee; kolkii ay dhacday Awfat waxaa baddalkeed soo baxay Dawladdii Cadal oo ay horkacayaan isla qoyskii xukumay saladanadii Awfat. Cadal, waxay dhacdayl dhulka u dhexeeya magaaladii dakadda ahayd, Saylac iyo HARAR. Saldanaddan magaceeda waxay ka qaadatay dakaddii Cadal oo dhacday Gacanka TOJORRA[2].Dawladdaa waxay jabtay 939H/1543M, waxayna ku soo uruurtay dawlad yar oo u dhaxaysa xeebaha Saylac iyo Soomaaliya.



3.BOQORTOOYADII FATGAR: Boqortooyadan waxay u dhaxaysay Saldanaddii Awdal, gobolka Harar iyo Shawa. Boqortooyadan waxay lahay mudnaan wayn, maxaa yeelay waxay dhacday wadnaha (bartamaha) boqortooyadii islaamiga ahayd oo carradaa ka jirtay. Ciddii iyada ka talisa waxay awood u lahayd weerar dhan kasta ah in ay qaadi karto



4.BOQORTOOYADII DUWAARO. Boqortooyadan waxay dhacday koofurta saldanaddii Awfat iyo koofur bari ee boqortooyadii Fatgar. Qaab nololeedkeeda siyaasiga ah wuxuu la mid ahaa boqorradii muslimiinta ee ka horreeyay.



5.BAQORTOOYADII BAALI: Boqortooyadii Baali waxay dhacday koofurta Fatgar iyada iyo boqortooyadii Duwaara waxaa u dhexeeyay Wabi Shabeelle. Dhulkeeda ayuu ka soo burqadaa Wabi Jubba oo koofurta Soomaaliya kaga dara Badwaynta Hindiya. Boqortooyadaa dhulkeedi waa gobolka hadda loo yaqaan Baali oo hadda Itoobiya ka tirsan.



6.BOQORTOOYADII DAARA: waxay dhacday koofurta boqortooyadii Islaamiga ahayd ee Saylac waxay ahayd midda ugu tag yar boqorradii Islaamiga ahaa oo aagaa ka jiray. Laga yaabee durugsanaanta ay ka durugsanayd Saylac in ay sabab u ahay taagdarrida.



7. SALDANADDII SHAWA (SHOA): Saldanaddan iyo labada boqortooyo oo kala ah Hadya iyo Sharkha waxay dhaceen koofurta wabiga HAWAASH iyo koofurta harooyinka wabiga Hawaasha. Shawa waa saldanadda ugu faca dheer Saldanadihii Islaamiga ahaa oo ka soo baxay “GEESKA AFRIKA”. Waxay dhisantay 283H/ 897M, waxayna ku tirtirantay gacanta Saldanaddii Awfat 683 H/1285M. Sida laga warqabo galbeedka buurta Shawa waxay saldhig u ahayd Gurigii Qoyska SULAYMAANIYADA[3] oo xukumay dhulkii xabashida oo idil 669h/1270M. Sidaa daraadeed; saldanaddii Shawa oo muslimka oo saarrayd buurta barigeeda waxay kala dhexgashay saldanaddii Awfat oo muslimka ahayd oo markaa dhalatay, barina ka xigta boqortooyadii Shawa (guriga sulaymaaniyadii) masiixiga ahayd oo iyana buurta ka saarrayd Galbeedka. Arrintaa oo jiritaankii boqortooyadii Shawa oo muslimka ahayd wiiqday.



Ugu dambayn waxaa ku soo duulay Suldaankii Awfat, arrintaana waxaa ka dhashay in toos ay usu arkaan “Gurigiii Sulaymaaniyada” oo la wareegay ka talinta BUURTA XABASHIDA oo idil 669H/1270M. Halkaa qarnigii 19aad waxaa ka dhismay dawladdii AMXAARADA oo soo ratay caasimaddii una bixisay “ADDIS ABABA”.



8.BOQORTOOYADII HADYA: Boqortooyada Hadya waxay dhacday koofurta galbeed oo Shawa, gobolada DAAMUUT, KANBAATA iyo galbeedka Harada hadda lagu magacaabo SWAAY (Zway). Goor hore ayay Hadya gacanta xabashida gashay, si gaar ah kolkay tabar yaraysay saldanaddi Cadal. boqorradii Hadya waxay ogolaadeen Jizya in ay siyaan (xoolo uu baxsho ruuxa laga awood roonaaday) boqorradii xabashida, isla markaa. boqorradii xabashida oo masiixiga ahaa waxay Jizyada u raaciyeen; gobdho muslim aha oo ay gaaleysiiyeen (diinta islaamka ay boqorradu ka saareern). Arrintaa waxay tilmaan u noqotay liidashada; “Ruuxdii Islaamiga ahayd” oo boqorradii Hadya. Ugu dambayn; xabashidii nasaarada ahayd boqorradii muslimka ahaa xukunkii waa kala wareegeen oo Jizya bixin iyo gabdho soo raaci kuma aysan badbaadin!. Dhanka kale, waxaa laga yaabaa; liidashada in ay sababtay durugsanaanta boqortooyadii Muslimka oo Saylac ka durugsanayd iyo gobollo fara badan oo xabashi ah oo saladanadda dhinacyo badan ka soo ooday.



9.BOQORTOOYADII SHARKHA: Boqortooyadan waxay dhacday koofurta Boqortooyadii Hadya dhul aad u yarra waa ku fadhiday. Boqortooyadii Duwaaro ayay la quud iyo qaaraan ahayd.



Boqortooyadii Saylac waxaa soo raacay, Jasiiradaha DAHLAK iyo magaalada CAWAAN oo ka soo hor jeedaa YAMAN. Sidoo kale, meel aad uga durugsan Saylac waxaa ka dhisnaa BOQORTOOYADII MUQDISHOW[4]. Ha yeeshee, sababo gaar ah; -durugsanaan iyo xabashida oo qaarkood marar badan ka taliyay- awgood intuba kaalin kama qaadan xarakadii jihaadiga ahay oo qarniyadii dhexe “Geeska Afrika” ka shidnayd.

Boqorradaa iya Saldanadahaa sagaalka ah oo, si kooban aan sare ugu sheegnay; mug dadeed, awood ciidan, khayraad dabiici oo ku filan iyo ganacsi ilbax ah oo xawli ku socda ayay carrada ku joogeen, taladana faraha u galiyay. Sidoo kale. Islaamka oo aan seef la hor wadin ayay si xasilloon dadka quluubtooda u galiyeen. Nasiib darro, nuslimiintii saylac; kartida aagag fara badan ay ka muujiyeen, ma dhinac socon; caqliyad wada-tashi iyo iskaalmaysi ku shaqaysa. Waana albaabka cudurkii xididdada u siibay sagaalkii Imaaradood oo islaamiga ahaa oo xabashi ku dayraa (gudbanaa) uu ka soo galay. Waana caqli la mid ah kan maanta soomaaliya ka shaqeeya!.



Gabagabada qoraaga:

(Qaybaha kitaabka oo hore aan u soo bandhigay, waxaan ku aragnay shacabkii Saylac oo muslinmka ahaa iyo shacabkii xabashida oo waqtigaa badankood nasaarad (masiixiga) ahaa dagaaladii dhexmaray, bilow ilaa dhammaad; Dagaal Saliibi ah[5] oo qaawan mooyee wax kale in aan lagu tilmaami karin. Taa waa dhab ruux muraad leh mooyee ruux kale uusan inkirin. Baarid (fannidid) aan ku sameeyay wararka kuwa doona ama jecel; in ay beeniyaan tilmaamaha saliibiga ahaa oo ay lahaayeen weeraradii xabashi ku soo qaadday muslimiinti Sayla; qarintii iyo beenti waxba ma tarin, siday wax u dhaceenna, waxba ka badali mayso.



Sidaa daraadeed; waxaan oran karaa; dagaaladii saliibiga ah goobta kaliya oo ay ka dheceen ma aha SHAAM[6] oo kaliya, sidaas oo dadka qaarki qabaan. Balse, loolanku, runtii, wuxuu ka dhacay gobo saddex ah oo kala ah:

Goobta Iaad; waxay ahayd ALANDALUS[8]. Halkaa waxaa ka dhacay loolan dhexmaray muslimiintii Alandalus[7] iyo gaaladii (nasaaradii) Isbayn (Spain) oo ay dhinac socdaan saliibiyiintii Yurub (Europe) iyo Boobabkii Kaniisadda Rooma (Rome). Loolankaa wuxuu jiitamay waqti dheer wuxuuna ku dhammaaday dhulkii muslimka oo ay Isbayn faraha ku dhigtay 1492M. Halkaa, waxaa faraha muslimiinta kaga baxay dhulkii ugu dambeeyay oo muslimiinta ugu harsanaa QARNAADHA[8].



Goobta IIaad: waxay ahay dhulkii SHAAM la oran jiray iyo MASAR. Halkaa loolanku wuxuu ku dhexmaray muslimiintii iyo Saliibiyiintii Yurub, Boobabkii Rooma oo dhinac wada ah. Dagaaladaa waxay ku dhammaadeen muslimiinta oo gacanta sare yeelatay iyo CAKA[9] oo ahayd gabbadkii masiixiyiinta ugu dambeeyay Shaam oo laga saaro.



Goobta IIIaad: waa “Geeska Afrika” oo markan loolanku u dhexeeyo muslimiintii SAYLAC iyo XABASHI. Loolankaa wuxuu jiitamay markaa hore, saddex qarni ku dhawaad -wallow aan marka dambe inta uu jiitami doono aan war loo hayn. Labadii dhinac oo loolanka; muslimiintii saylac iyo nasaaradii xabashidu aakhirkii waa isu tabar waayeen, dabadeed, labaduba waxay awoodi kari waayeen in ay ubabac-dhigaan weeraradii xoogga badan, islamarkaana, tarmayay oo GAALLADII WATHANIGA[10] ahayd oo, waagaa joogtay ay soo qaadeen. Qabaa’ilkii Gaallada oo gacanta sare noqday, labadii dhinac oo loollamay si isle-eg ayay qasacadaha uga jajabiyeen uguna falaadeen. Qallayf iyo jikaar fara badanna waa ku dhaqeen 2dii dhinac muddadii ay ku jireen oo gacantooda oo waqti dheer qaadatay.



[La soco qaybta labaad]



[1] Saylac: Qoraagi, sababta loo yiraahdo; Muslimiintii Saylac oo, loo oran Muslimiintii

Soomalaya, wuxuu ka yiri: “ inkastoo; runtii, ay isku mid yihiin, haddana reer Saylac waa

qayb ka mid ah qabaa’ilka soomaaliya oo qarniyadii dhexe ku noolaa G. Afrika, ha yeeshee

magaca Soomaaliya; wuxuu qabaa’ilkii soomaalieed magic kulmiya noqday qarnigii 19aad.

[2] Gacanka Tojorra: waa gobol ka mid ah Dawladda Jabuuti oo gacab-badeedka saran.

[3] Gurigii Qoayska Sulaymaaniyada: (Solomonic Daynasty) 669H/1270M waxaa sheegtay

AMXAARADA waxayna qabeen in ay ka soo jeedaan Nabi Sulaymaan iyo Boqoraddii

Saba’. Qayskaa, cid sheegata oo boqor ah waxaa ugu dambeeyay Xayle Salaasihii,

Mingiistu Xayla Maryam gacantiisa uu ku dilasy.

[4] Boqortooyadii Muqdhishow: waa boqortooyo Muqdhishow ka dhisnayd oo, rag bdan oo

uu Ibnu Badhuudha ka midyahay ka warrameen.

[5] Dagaal Saliibi ah: (crusade) waa dagaal Gaalo ku midowdo kolkay Muslimiinta

Weerarayaan.Saddex jeer oo hore ayaa la qaaday. Maanta isagii oo magaca ah;

“Argagixiso” lagu daahay ayuu meelo fara badan ka socdaa.

[6] Shaam:waa dhulka ay ku fadhiyaan;Suuriya, Urdun, Lubnaan iyo Falastiin

[7] Alandalus: magacii Muslimiintu ula bexeen dhulkii ay ka furteen Isbayn.

[8] Qarnaadha: (Granada) waa magaalo Isbayn ku tall oo Umawiyiintii dhiseen qarnigii 711

Miilaadiga.

[9] Caka:waa magaalo Shaam tii hore ah, haddase ka tirsan Israa’iil.

[10] Wathani:(pagan) waa ruux Mulxid ah oosanamyo iyo wax la mid ah caabuda.

Cabdiwali Sh.Maxamed

07-07-2008


ابن عباس القادري
مدير

عدد الرسائل : 176
العمر : 39
تاريخ التسجيل : 04/07/2008

معاينة صفحة البيانات الشخصي للعضو http://al7ewar.net/forum

الرجوع الى أعلى الصفحة اذهب الى الأسفل

استعرض الموضوع السابق استعرض الموضوع التالي الرجوع الى أعلى الصفحة


 
صلاحيات هذا المنتدى:
لاتستطيع الرد على المواضيع في هذا المنتدى